Shiinaha oo Markii ugu Horeysay Waji Cusub ku Wajahaya Siyaasada Afrika iyo Xiisada Congo iyo Rwanda.

Apr 23, 2025

“Mawqifka Beijing ee Rwanda waxa uu ka dhigan yahay isbeddel weyn oo ku yimid siyaasaddeeda arrimaha dibadda” waa ciwaanka warbixin uu daabacay wargeyska Nezavisimaya taasoo diirada saareysa sida Shiinuhu uu markan u wajahayo xurufta u dhexeysa Congada dimuquraadiga iyo Rwanda.

Waxay ugu horeyntii jariiradu ay sheegeysaa in Beijing ay dhaqan ahaan ahayd mid aan la jaan qaadin colaadaha Afrika, gaar ahaan marka la eego dalalka soo koraya ee ay dano wadaagta yihiin, waxaana sida la xusuusto ay ka gaabsatay in ay mawqif cad ay ka soo saarto afgambiyadii is-daba joogga ahaa ee ka dhacay dalalka Saaxil Afrika tan iyo sannadkii 2020-kii.

Hadaba si ka duwan midaas waxa uu Shiinuhu hadda u muuqdaa mid isbadal ku sameeyey siyaasadiisa arrimaha dibada gaar ahaan mida Afrika, isagoona mowqif cad ka qaatay loolanka u dhexeeya wadamada Congo iyo Rwanda.

Wakiilka joogtada ah ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Rwanda inay tixgeliso mowqifka waxa loogu yeero beesha caalamka, oo ay ka fogaato inay wax taageero ah siiso dhaqdhaqaaqa M23 oo waayihii dambe taqadum xoogan ka waday gudaha Congo.

Qoraaga Vladimir Skosyrev oo ah kan warbixintan qalinka u qaatay ayaa isagoo soo xiganaya falanqeyno ay sameeyeen reer galbeedka iyo Hindiya waxa uu sheegayaa in waxa kaliya ee uu Shiinuhu isbadalkan ugu sameeyey siyaasadiisa arrimaha dibada ay tahay masaalixdiisa dhaqaale ee Afrika, si gaar ahaaneed balaayiinta dollar ee uu dhawaan doonayo inuu ku maalgasho macdanada kala duwan ee dalka Jamhuuriyada Dimuquraadiga ah ee Congo.

Gunaanadkii qoraagu waxa uu sheegayaa in Kongo ay tiir muhiim ah u tahay istiraatijiyadda Shiinaha ee Afrika, iyada oo daraasiin shirkado Shiineys ah ay ka shaqeynayaan mashaariic waaweyn oo kaabayaasha dhaqaalaha ah, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka, shabakadaha isgaarsiinta, iyo warshadaha korontada, taas oo qayb ka ah dadaalada lagu xoojinayo saameynta dhaqaale ee Shiinaha ee qaaradda.

FAAFREEB PRO