Midwga Yurub Oo Diiday In Uu Keli Ku Noqday Maalgelinta Isbahaysiga AUSSOM.

Apr 23, 2025

Midowga gaalada Yurub ayaa ka digay halis weyn oo ku wajahan hawlgalka ashahaada la diririnimo ee ay ciidamada kuffaarta Afrikaantu kaga jiraan Soomaaliya ee loo bixiyay AUSSOM, kaddib markii uu si cad u sheegay inuusan sii wadi karin maalgelinta kaligiis ee hawlgalkan.

Warbixin dhawaan ay daabeceen qaar ka mid ah warbaahinta ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub oo ku sugan Brussels ay warbaahinta u sheegeen in beesha gaalada caalamka oo idil, gaar ahaan waddamada Khaliijka, Mareykanka, Shiinaha iyo quwadaha kale ee gobolka Afrika, ay tahay inay qeyb ka noqdaan kharash bixinta hawlgal gaaleedka EEYUUSOM si loo sugo sii socoshadiisa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu muujinayo daal miisaaniyadeed oo sii kordhaya iyo dareen ah in mas’uuliyadda ciidamada kuffaarta africaanta ee dululaanka kusoo qaaday Soomaaliya aysan ku ekaan karin gacanta Yurub oo kaliya, isagoo ku baaqay in si caddaalad ah loo wadaago masuuliyadda dhaqaale iyo tan farsamo si hawlgal gaaleedkaasi uusan u burburin.

Dhinaca kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in hawlgalka EEYUUSSOM uu hadda galay weji cusub, isaga oo si tartiib ah uga guuraya qaabkii hore ee ahaa waxa loogu yeero “nabad ilaalin ah, Isagoo hadda isku baddalay waxay madaxda Brussel joogto ugu yeereen taageero farsamo, tababarro, hagid iyo horumarinta hay’adaha dowladda Ridada, Iyadoo arintana lagu sababeeyay tageero xumo dhaqaale.

Beesha gaalada caalamka, midowga gaalada Yurub iyo Maraykanka ayaa si isku mid ah uga caga-jiidaya in mid kasta uu bixiyo kharashaadka howlgal gaaleedka, arimahaas oo la isku geeyay ayaa mugdi gelinaya mustaqabalka iyo sidoo kale sii socoshada howlgalkan aan cagaha badan ku taagnayn ee loo bixiyay AUSSOM.