Shil Xoolo Badan Ku Dhamaadeen Oo Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Soomaali-galbeed.

Apr 23, 2025

Inta la hubiyay ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, halka laba kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen kaddib markii uu rogmaday gaari xamuul ah oo ku socdaalayay deegaan ka tirsan dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga xabashida Itoobiya.

Shilkan ayaa si gaar ah kaga dhacay magaalada Dhanaan ee ka tirsan dhulka Soomaali-galbeed, gaariga xamuulka ah ee rogmaday ayaa gallaaftay nolasha ugu yaraan 56 neef oo Ari ah, sida uu xaqiijiyay goobjooge uu muuqaalkiisu ku faafay baraha bulshada.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshadu ku wada xiriirto ayaa muujinayay gaariga rogmaday oo waddada ka baxay iyo xoolaha halkaas ku dhamaaday, shilkan ayaana ka mid ah shilalka gaadiidka ee badanaa ka dhaca dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga xabashida Itoobiya.