Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa bartiisa X, kusoo qoray dhambaal tacsiya oo ku aaddan dhimashada baadariga Pope Francis, oo uu xusay inay aad uga murugoodeen.
“Waxaan si qoto dheer uga murugoonnay markii aan maqalnay geerida Pope Francis…” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, C/Raxmaan Daahir Bakaal.
Wasiirka ayaa sidoo kale dhambaalkiisa tacsida ah ku yiri “Waxaan u direynaa duco iyo tacsi tiiraanyo leh Kaniisadda Roman Catholic iyo bulshada Katooliga ee caalamka oo dhan”
Sidoo kale wasiirku waxa uu ka dhawaajiyey inay sii amba-qaadi doonaan, isla markaana ay fulin doonaan dhaqan-gelinta dhaxalkii uu ka tagay baadarigani. Isagoo xusay inuu ahaa hoggaamiye ku dayasho mudan.
“Dhaxalka Pope Francis ee ku dhisan adeega iyo u heellanaanta bani’aadannimada wuxuu sii ahaan doonaa hagaha iyo dhiirrigelinta aan ku soconno.” Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.
SOMALIMEMO