“Kala qaybsanaanta ka dhex jirta wafdiga Netanyahu ka dib markii Trump uu dib u dhigay ikhtiyaarka militari ee ka dhanka ah Iran” waa ciwaanka warbixin uu daabacay wargeyska Macaariif.
Sida uu nashriyey joornaalka Macaariif tan iyo markii ra’iisul wasaaraha yuhuuda Benjamin Netanyahu uu Aqalka Cad kula kulmay Donald Trump in ka badan hal toddobaad ka hor, dhinacyada siyaasadda ee ku dhow Netanyahu ayaa si weyn ugu kala qeybsamay qiimeyntooda mustaqbalka siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Iran, gaar ahaan mida ku saabsan soo celinta tallaabada militari ee ka dhanka ah xarumaheeda Nukliyeerka Tehran.
Siyaasiyiin badan oo yuhuud ah ayaa Trump ku tilmaamay mid ka fog waxa ay dowladdo badan moodayaan oo ah mid fulin kara riya walba oo ay xukuumadi leedahay, isagoo ula jeeda in maanta uu ka hortaaganyahay weerar ay ku qaadaan xarumaha Nukliyeerka Iran, waliba isagoo aanan siinin sababo cad oo lagu qanci karo waa sida ay hadalka u dhigeene.
Gunaanudkii Binyamin Natanyaahu ayaa lagu waramayaa in wali uu ku adkeysanayo qaadista talaabo ka dhan ah xarumaha nukliyeerka xukuumada Tehran, xilli maalmo ka hor uu Donald Trump soo saaray degniin uu madaxa sahaayinada kaga hor istaagayo inuu ku dhaqaaqo arrinkaas.
FAAFREEB PRO