Xoghayahii hore ee arrimaha Afrika u qaabilsanaa Maraykanka Gaalka lagu magacaabo Tibor Nagy ayaa kooxda riddada Somaliya ku tilmaamay daba-dhilifyo aan awood lahayn oo waxba aan qaban Karin.
Tibor Nagy oo horeyna u soo noqday safiirkii Maraykanka ee Itoobiya, ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee kooxda Villa Somaliya murtadka lagu magacaabo Axmed Macalin Fiqi.
Dublamaasigan ayaa murtad Fiqi ku eedeeyey in isagoo haba yaraatee wax gacanta ugu jiraa aanay jirin uu haddana doonayo in uu wax ka sheego ciidanka AUSSOM ee ku hawllan ilaalinta amnigiisa.
“Wasiirka Dibedda ee Fiqi waxba ma qaban karo laakiin wuxuu qaniinayaa gacantii ilaalinaysay amnigiisa, isla markaana wuxu dhaleecaynayaa madaxda hawl-galka AUSSOM oo ah xoogagga ku ilaaliya Muqdisho.” Ayuu yiri Nagy, mar uu qoraal kooban soo dhigay bartiisa X.
Murtad Fiqi ayaa ku eedeeyey sii-hayaha madaxa howl-galka isbahaysiga AUSSOM, Gaalka lagu magacaabo Sivuyile Bam, inuu kasoo hor-jeedo wax uu ku sheegay horumarka maleeshiyaadka Gurguurte, isla markaana uu taageeray mujaahidiinta Al-Shabaab.
“Waxa uu ku eedeeyay madaxa AUSSOM oo ah ciidanka isaga ku ilaaliya Muqdisho in uu la dhacsan yahay Al-Shabaab, haddaba yaa dhab ahaantii u adeegaya danaha Al-Shabaab iyadoo la adeegsanaayo eedeymo aan sal lahayn?” ayuu yiri Tibor Nagy.
Syuvile Bam ayaa dhawan warbixin uu ka hor-jeediyey waxa loogu yeero golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku tallaabsadeen guullo waaweyn oo halis ku ah meeshana ka saari kara awoodda kooxda riddada Soomaaliya.
Bam sidoo kale waxa uu sheegay in mujaahidiintu ay gacanta ku dhigeen hub aad u fara badan isla markaana ay beegsadeen goobo xasaasiya oo ay ka mid yihiin madaxtooyada Villa Somaliya iyo xerada Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee isbahaysiga saliibiyiintu ay ku leeyihiin magaallada Muqdisho.a