Cabdi Fitaax Al-Burhaan oo Kala Diray Qaar Kamid ah Xubnaha ugu Muhiimsan Xukuumadiisa.

Apr 19, 2025

Sida ay nashriyeen inta badan jariiradaha kasoo baxa gobolka, madaxa militariga Suudaan Cabdi Fitaax Al-Burhaan ayaa xilka ka xayuubiyey wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Cali Yuusuf Axmed Al-Shariif iyo illaa lix Wasiir oo kale oo ka tirsan xukuumadiisa.

Ilaa hadda Al-Burhaan ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan xilka ka qaadista raggan, balse waxaa lagu waramayaa iney kusoo beegantay xilli toddobaadyo ka hor la sheegay in Jen. Al-Sadiq Ismail oo ah ergeyga gaarka ah ee Cabdifatax Al-Burhan inuu si qarsoodi ah ku booqday Telaabiib, si uu Netanyahu ugu wargeliyo inuu Al Burhan uu diyaar u yahay in la dhammeystiro heshiiska lagu dhisayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, kaasoo burburay sannadkii 2020, markaa oo Suudaan ay qeyb ka ahayd heshiiskii Carabta iyo yuhuuda ee Abraham, waana sida ay ku warrantay majaladda Al-Rakoba.

Balse booqashadan waxaa maalin ka hor beeniyay wasiirka arrimaha dibadda Suudaan , Cali Yuusuf Axmed, waxaana timid in xalay si lama filan ah xilka looga qaaday.

FAAFREEB PRO