Sida uu baahiyey joornaalka Haaretz ee kasoo baxa deegaanada yuhuuda, ciidanka gumeystaha ee saxiixay soo jeedin ay ku dalbanayaan in la joojiyo dagaalka Qasa ayaa kor u dhaafay 10,000 oo askari.
Waxaa sidoo kale liiskan kusoo biiray ilaa 250 ka tirsan qoysaska maxaabiista ku jirta gacanta kooxaha muqaawamada Filistiin kuwaas oo iyagana dalbanaya in lasoo afmeero dagaalka ka socda marinka, si ay dib ugu helaan maxaabiistooda ka maqan.
Sidoo kale waxaa xusid mudan iney iyaduna korortay tirada shaqsiyaadka caanka ah iyo saraakiisha hore ee milatariga yuhuuda kuwaas oo kasoo horjeeda sii socoshada dagaalka, waxayna gaartay ilaa 110,000 qof, kuwaas oo dhamaantood saxiixay warqado ay ku dalbanayaan joojinta dagaalka Qasa iyo soo celinta maxaabiista.
FAAFREEB PRO