Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda ridada Imaaraadka Carabtu ay nidaam raadaar casri ah oo laga keenay dhulka Yahuudda ay si qarsoodiya ugu rakibtay deggaan ka tirsan dhulka uu ka arimiyo maamulka ridada ah ee isku magacaabay Puntland.
Sida ay wararku tibaaxayaan Raadaarkan ayaa la dhigay xarunta ciidamada Badda ee Puntland, oo ku dhow saldhigga diyaaradaha ee magaallada Boosaaso, halkaas oo Imaaraadka Carabtu uu horeyba u maamulayay, isla markaana uu tababar iyo qalabaynba siiyo ciidamada PMPF.
Nidaamkan oo loogu talo-galay la socodka dhaqdhaqaaqa diyaaradaha, gantaallada, maraakiibta iyo weliba diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo sidoo kale inuu ka jawaabo ama uu weeraro bar-tilmaameedyada laga soo gano madaafiicda.
Tallaabadan oo ay shaaciyeen khubaro militari, isla markaana lagu faafiyey open-source intelligence, ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan ujeedada dhabta ah ee Imaaraadka ka leeyahay dhaqdhaqaaqan milatari ee cusub, xilli diiradda caalamku ay saaran tahay Geeska Afrika.
Arrintan ayaa imanaysa iyadoo laga cabsi qabo in Geeska Afrika uu isu beddelo goob lagu hardamo istiraatiijiyad ahaan, gaar ahaan marka la eego doorka sii kordhaya ee Imaaraadka Carabta uu ka ciyaarayo gudaha Soomaaliya.