Waraabinada galbeedka ayaa markan bilowday iney qirto hanaan wanaaga maamulka islaamiga ah ee Afghanistaan kadib in muddo ah oo ay faafinayaan warar dacaayaad ah,
Sida uu nashriyey wargeyska xaruntiisa dhexe ay tahay dalka Ingiriiska ee Al-Sharqul Awsat isagoo soo xiganaya hay’ada QM, dowladda islaamiga ah ee Afghanistaan ayaa sii dardargalineysa ka hortaga dhamaan saameenada xun xun iyo suulinta dhaqamada galbeedka.
Waxay warbixintu qireysaa in Imaarada gaar ahaan hay’ada fulinta wanaaga iyo ka hortaga xumaanta ay har iyo habeen u taagantahay sidii loola dagaalami lahaa xumaan idilkeed, sida in timaha laga hagaajiyo dhalinyarada, laga mamanuuco daroogada, lana soo xiro dhamaan ashqaasta aanan tukan ama ka raaga ilaa waqti dambe.
Waxay warbixintan muujineysaa sida galbeedku ay ugu hungoobeen iney hormrka dhan walba ah ee ka jira ay ku dambiyaan afkooda, Afghanistaana waa mid tan iyo sanadkii 2021 ilaa hadda nasiib u yeelatay iney ka hoos baxdo hiiryadii gumeysi ee galbeedka.