Wasiiru-dowladaha waxay ugu yeeraan arrimaha debadda kooxda Riddada Somalia, murtadka lagu magacaabo Cali Balcad, ayaa waraysi uu siiyay Tv lagu magacaabo TRT ku sheegay in kooxdiisu Maraykanka u bandhigtay in uu la wareego dekado muhiim ah oo kuyaal koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.
Murtad Cali Balcad ayaa sheegay in kooxdiisa Riddada ay Maraykanka ka codsatay in dib loo cusbooneysiiyo heshiis la sheegay in 80-meeyadii ay kala saxiixdeen Muqdisho iyo Washington, kaas oo Maraykanka u ogolaanayay isticmaalka dekadaha uu shaaciyay oo kala ah Muqdisho, Kismaayo iyo Berbera.
Murtadkan ayaa waraysigiisa ku caddeeyay in Maraykanka u bandhigeen saddexda dekadood oo ah kuwa muhiim ah, sidoo kalena ay Washington siin doonaan kuwa kale oo dheeraad ah haddii ay u baahato, si gacan looga siiyo dagaalka ay kula jiraan islaamka iyo ehelkiisa.
“Waxaan hadda ka codsanay Maraykanka in la cusboonaysiiyo heshiiskaas ku saabsan isticmaalka saddexda dekadood, hadii kuwo kale u baahdaan, way isticmaali karaan, waana xeelad aan ku doonayno inaan ugu dhowaano Maraykanka, sababtoo ah Maraykanku waa u muhiim dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab, taageeradiisana aad ayaan ugu baahannahay, hadda na wuu na taageeraa,” waxaa sidaas yiri murtad Cali Balcad.
Qorshahan ayaa sidoo kale la sheegayaa in kooxda Riddadu ku doonayso inay kaga hortagto qorshe aad isu soo tarayay oo ku aadan in Maraykanku doonayo in uu waddan madax bannaan u aqoonsado maamul goboleedka ashahaada la dirirka Somaliland, waxaa xusid mudan in kooxda Riddadu aysan maamulin dekadaha Berbera iyo Kismaayo ee ay usoo bandhigtay in uu la wareego Maraykanka marka laga reebo tan Muqdisho oo qudheedu ay gacanta ku hayso shirkad laga leeyahay Turkiga.
Dowladda saliibiyadda Maraykanka ayaan dhankeeda weli wax jawaab ah ka bixin yabooha uga yimid dhanka kooxda Riddada Soomaaliya ee lagu siiyay maamulka dekado muhiim ah oo kuyaal Soomaaliya, balse dhammaadka bishii ina dhaaftay ayuu diplomaasi Maraykan ah oo lagu magacaabo Piiter faam horena Maraykanka ugu qaabilsanaa Ergayga arrimaha Afrika, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in kooxda Riddada ee uu Gurguurte hoggaamiyo ay dekedo u soo bandhigto Maraykanka.
Diblumaasigan oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhow Trump, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in arrintaaasi ay aflagaado ku tahay Madaxweynaha Maraykanka gaal Donald Trump, isaga oo xusay in xasan sheekh uu balan qaadayo dekedo uusan maamulin.
“Iminka Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu u maleynayaa in dadka Maraykanku ay doqmo yihiin, oo uu siin karo dekedo aanu maamulin, kuwaasoo ku yaalla Somaliland iyo Puntland,” ayuu yiri Pham.