22 Askari oo Lagu Dilay Dagaallo Maanta Ka Dhacay Deegaanka Geel-gub

Apr 9, 2025

Shabeellada Dhexe:

Dagaallo dhowr jeer lagu jabiyey maleeshiyaatka ridada ayaa maanta waxay ka dhaceen duleedka deegaanka “Geel-gub” ee Shabeellada Dhexe.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalladaasi lagu dilay 22 askari oo murtadiin ah oo 13 kamid ah ay meydadkooda cadowga uga carareen goobta dagaalka, waxaana lagu dhaawacay dagaalladaasi 21 kale.

Maleeshiyaatka ridada ee la jabiyey ayaa markii danbe u firxaday dhanka deegaanka Xaaji Cali.