AKHRISO: Dagaaladii ugu Dambeeyey ee ka Dhacay Sh/Hoose Tan iyo Ramadaan {WARBIXIN}

Apr 8, 2025

Tan iyo dib u doorashadii murtad Xasan Sheekh Maxamuud 15 May 2022, waxa uu ahaa mid warbaahin ku hadasha afka Soomaaliga iyo mida galbeedkuba la taagan in muddo kooban uu ku soo afjaro awooda xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab, waliba isagoo leh waxaa inagu garab siin doona dowladaha shisheeye ee ay siiyeen walahooda si ay uga helaan san dareertada yar.

Goodiskii Gurguurte ee xilgaas waxaa barbar socday wacadka mujaahidiinta ee ah, iney marnaba cadawgu hurdo ladi doonin dacartana la leefsiin doono, saaxaduna muddo kooban kadib waa mida soo tabisay duulka hungoobay ee ku halaagsamay fagaarayaasha kala duwan ee dagaalka, ha noqoto Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Labada Shabeele ilaa gudaha Muqdisho.

Kadib markii ay dowladda ridada ah kusoo hungoobay mashruucii macawusleey iyo abuublkii qabaailka, guutooyinkii ciidankana aysan Labo kamid ah meelna isku sheegin, waxaa markale bilowday howgal furihiisu ay heyso xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab, dhabarkana looga jabinayo haraadiga cadawgii kusoo fashilmay duulaankii diin la dirir ee ay wadeen mudda 3 sano ah.

Waxay arooryo badan xabada mujaahidiintu ay ka dul shanqartay boqolaal murtadiin ah oo ku sugnaa saldhigyadii looga soo owday gobolada dhexe iyo shabeelada hoose ilaa hareeraha caasimada, waxaana warbixintan ku eegi doonaa darbooyinkii ugu dambeeyey ee gaaray cadawga, gaar ahaan midkiisii ku sugnaa gobolka Shabeelada Hoose.

15 Maarso 2025 dhanka kalana ku asteysan 15-ka Ramadaan sanadkan 1446H, xilli waabari ah waxay ciidanka mujaahidiinta weerar xasmin ah ay ku qaadeen saldhigyada cadawga murtadiinta ah ee degmada Awdheegle ee wilaayada Shabeellada hoose.

Dagaal xoogan kadib ciidanka mujaahidiinta waxaa Alla fadhligii u suuragashay iney gacanta ku dhigaan guud ahaan saldhigyadii cadawga iyo buundada, maleeshiyaatkii Gorgor ayaana subaxaas noqday wax xabadu ay feenatay iyo kuwa cagaha wax ka dayey oo carar uga baxsaday halkaas.

Sawiradii Al-Kataaib ay halkaas sida degdegsiimada ku laran ay uga soo bandhigtay ayaana noqday kuwa muujinayey xaqiiqada wixii arooryadaas ka dhacay Awdheegle, cadawguna waa mid awoodi waayey qarinta xaqiiqada, murtazaqadii Gurguurte ee warbaahinta ayeyna garashadoodu dhaafi weysay postiyada borobogaandada ah iyo sheegashada guulo afka baarkii ah.

Gudoomiyihii ridada ugu sugnaa halkaas oo baxsad ah lana hadlay wabraahinta maalinkaas ayaana sheegay in halaag xoogan uu qabsaday subaxaas magaaladaduna ay si buuxda ugu suganyihiin ciidanka Mujaahidiinta.

Waxaa subaxaas laga talaabsaday baqtiga 31 murtad oo ay ku jiraan saraakiishii hogaamineysay cadawga la weeraray, dhaawaca ayaa isagana lagu sheegay ilaa 36 murtad, mujaahidiinta ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub, saanad iyo maxaabiis lagu kexeeyey qaab garba duub ah.

Isla maalinkaas waxay ciidanka mujaahidiinta intii uu socday dagaalka Awdheegle kamiin u dhigeen kolonyo murtadiin ah oo gurmad u ahaa cadawga, xilli ay marayeen deegaanka Lafoole, waxaa halkaas cadawga looga dilay 4 murtad oo midi sarkaal yahay, waxaana laga dhaawacay ilaa 9 kale, iyadoona laga gubay gaari Cabdi bile ah iyo mid kale oo Beebe ah.

18 Maarso 3 maalmood kadib weerarkii Awdheegle ciidamada Mujaahidiintu waxey xilli habeenimo ah dagaallo culus ku mireen saldhiyada Murtadiinta ee degmada Jannaale iyo deegaanka Arbacow ee Ceelasha Biyaha.

Markale 20-kii Maarso 2025, waxay jabaqda raasaasta mujaahidiinta ay dul dhacday Labo xero oo maleeshiyaatka Ridada ay kaga sugnaayeen gudaha iyo banaanka deegaanka Sabiid ee hoostaga degmada Afgooye.

Dagaal muddo socday kadib, waxay ciidamada Mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Labadii xero ee Maleeshiyaatka Murtadiinta kaga sugnaayeen deegaankan, kuwaasi oo kala ah xerada Buundada deegaanka iyo mid kale oo ku taala banaanka deegaanka.

Gurmadkii kasoo baxay deegaanka Aalayaasir kuna soo jeeday Sabiid ayey Mujaahidiintu qarax culus la beegsadeen, waxaana halkaas ku kala firiray gaari cabdi bile ah iyadoona ay bas beeleen dhamaan murtadiintii saarnaa oo uu ku jiro sarkaal sare oo lagu magacaabo Jareere.

Dharbaaxo kale ayaa cadawga isla subaxaas ku dhacday, waxaana kamiin Labaad murtadiin gurmad ahaa oo kasoo baxay deegaanka Ceelasha Biyaha loogu dhigay agagaarka Xaawo cabdi, iyagoo hubgoobay ayeyna halkaas ka jiiteen dhaawacyo dhowr ah.

Waxaa sabiid dhagta dhiiga loo daray ilaa 26 murtad dhaawaca waa intaas ka badan uuna ku jiro General Cabdulaahi Aden xuseen (Ciro ) oo ah taliye ku xigeenka Ciidanka Lugta ridada.

21 Maarso 2025, murtadiintii ku sugnaa deegaanka Bariira ayaa isaga firxaday saldhigyadii ay halkaas kaga sugnaayee, iyagoo maanka ku haya rucbi iyo argagax ay ka qaadeen dharabaadkii gaaray ragii ay isku fariiqa ahaayeen.

Ciidanka mujaahidiinta ayaana durbadii si bilaa dagaal ah halkaas ku galay, gacantana ku dhigay wixii saanad ciidan ee yiilay goobtaas, waxayna midan walaac baahsan ku beertay murtadiinta, waxayna arkeen in xarigii ay soohayeen in muddo ah uu si sahlan gadaal uga soo furmay, iskana daa in la difaaco Aadan Yabaal oo uu halis ku jiro masiirkooda Muqdisho.

22 Maarso maalin kadib baqa cararkii murtadiinta ee Bariire, waxaa lasoo bandhigay muuqaal muujanaya ciidanka mujaahidiinta oo si nabdoon ugu sugan deegaanada dhaca wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, shacabkuna waa kuwa wujuuhdooda laga dheehan karo hilowga ay u qabaan aragtida in Muqdisho markale ay usoo dhawaatay neecawda isku maamulka shareecada Islaamka.

Weerarkii madaaficda ee lagu qaaday Laba xero oo murtadiintu ku lahaayeen gudaha degmada Afgooye, isaguna waa mid kamid ah howgaladii safmareenka ahaa ee maalmihii lasoo dhaafay ay la kulmayeen cadawga.

Waxaa maalinkaas ay ciidanka mujaahidiinta dileen ilaa 8 murtad oo uu ku jiro sarkaal sare halka dhaawucuna sida lagu soo waramay uu gaaray 16 kale.

Kuwanina waa silsadalihii howgalada ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka Sh/Hoose iyo saldhigyadii ay dagaal la’aan faarujiyeen murtadiinta, waxaana dhanka kale barbar socday hardan cadwaga looga xoreynayo deegaanada Sh/Dhexe, laga soo bilaabo Sumadaale, Cadaan Laxey, Boos Hareeri, Biya Cadde, Warta dibi samatar, Nuur-Gaab, Bursha-Sheekh, Towfiiq, Geelgub, Laba-Garas iyo Ceel-Cali-Axmed.

Carcartii calooshaad u shaqeystayaasha u ceynsan gaalada galbeedkana waxaa xigtay carar iyo catow, waxana xukuumada Muqdisho 3 sano kadib xaaladeedu ay kusoo biya shubatay in Internet-ka ay iska lacnadaan madaxyaweynteeda, midwalba uu mida kale dusha ka saaro fadhiidnimada heysata maamulka murtad Xasan Sheekh Maxamuud.

FAAFREEB PRO