Mark Urban oo ah joornaaliista ka howgala wargeyska Times ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in waxyaabaha xal waara looga la’ayahay xiisada ka dhax aloolsan xukuumada Kyev iyo Mocow ay kow ka tahay in aanan la bixin faahfaahinta dhabta ah ee heshiiska nuuca uu yahay, sida inaanan la cadeyn waxyaabaha rasmiga ah ee ay dhinacyadu ka faa’idayaan xabad joojinta, xaaladuna waa mid dahan oo aanan ilaa hada la dooneyn in daaha laga qaado.
Caqabada 2-aad ee hortaagan heshiis nabadeed oo dhexmara Ruushka iyo Ukraine ayaa lagu sheegay iney tahay NATO iyo dammaanad qaadka amniga, Ukrain waa mid u hanqal taageysa iney hesho damaanad qaad amini oo dhanka reer yurub ah iyadoo galbeedka u ogolaaneysa inay saldhigyo ciidan ka dhistaan gudaha Ukrain, sida aan la soconana Ruushku waa mid kasoo horjeeda arinkaas.
Ka taaazulida dhulka, waxay noqoneysaa caqabada Sedexaad, xukuumada uu hogaamiyo Valadamir Zalaneysky ayaa diidan iney Ruushka u tanaazusho dhulka uu kala wareegay tan iyo bilowgii dagaalka.
Caqabada 4-aad waa Tirada ciidanka Yukreeniyaan iyo hubka reer galbeedka, Ruushka ayaa dalbanaya in la dhimo tirada ciidamada Ukraine iyo in la joojiyo shixnadaha hubka ee reer galbeedka ay ka dajinayaan Kyev, Ukraina waa mid kasoo horjeeda arinkan.
Caqabada Shanaad ee u dambeysa waa ujeedooyinka fog ee Ruushka, Moscow waxay rabtaa xabad joojin gaaban hadana dheer, taasoo micneeheedu yahay inuusan dagaalka dhamaan sidoo kalana uusan socon Ruushkuna uu xiliga uu doono uu burin karo, waana fursad Moscow ay kaga soo kaban karto khasaarihii dagaalka kasoo gaaray, ujeedkan ayeyna reer yurub ka muujinayaan walaac xoogan iyagoona kasoo hojeestay, balse su’aasha uu is weydiinayo qoraaga ayaa ah, hadii dhiigbaxa militari iyo midka dhaqaale ee Ruushka kasoo gaaray dagalka ay kula jirto Ukrain ay badali karto mawaaqifiisa adag ee loolanka kala dhexeeya Kiyev.
FAAFREEB PRO