Askar Itoobiyaan Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Garoonka Baydhaba.

Mar 18, 2025

Ciidamada guutada qaraxyada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay saaka oo Talaado ah howlgal qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen ciidamo ka tirsan kuffaarta Xabashida Itoobiya oo ku sugna garoonka diyaaradaha ee degmada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Howlgalka qarax ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana Allaah fadligiis inta la xaqiijiyay ku dhintay 3 askari oo Itoobiyaan ah oo ka mid ah ciidamadii ku sugnaa garoonka la weeraray, waxaa sidoo kale howlgalkaasi qarax ah ku dhaawacmay 2 askari oo kale oo nasaaro xabashi ah.

Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen isla Baydhaba, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah oo ku lugeynayey gudaha magaalada Baydhaba, khasaare soo gaarau murtadiinta ayaana jira.

Dhinaca kale, waxay ciidanka mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaallo culus oo toos ah ku qaadeen saldhigyo ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ah ay ku leeyihiin degmada Jannaale iyo deegaanka Arbacow oo ka tirsan Sh/hoose.