Dhagayso Diyaaradaha Itoobiya Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Duqayn Ay Ka Gaysteen Ceelbacad.

Mar 16, 2025

Duqayn cadowtooyo oo xalay fiidkii ka dhacday deegaanka Ceelbacad ee wilaayada Sh/dhexe ayaa sababtay dhimashada 3 qof oo dhammaantood ahaa dumar.

Goob joogayaal ayaa soo sheegay in diyaaradaha dowladda Xabashida Itoobiya ay illaa 7 fuusto oo lagasoo buuxiyay basiin ku dhufteen guryo dad shacab ah degganyihiin.

Guryaha fuustooyinka shidaalka sida lagu dhufay dhammaantood waa gubteen balse mid ka mid ah guryaha dadkii deganaa ayaa ku dhintay.

Nabadoon Macallin Muxumed oo ah afhayeenka golaha Nuqabada wilaayada Islaamiga Sh/dhexe ayaa sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay isagoo faah faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.

Halkan Ka Dhagayso Codka Nabaddoon Macalin Maxamed.