Sida uu baahiyey wargeyska Addisstandard Itoobiya iyo Ereteriya oo qarka usaaran in ay dagaallamaan ayey dowladaha reer galbeedka waxaa kasoo baxaya digniino culus, iyagoo ka walaacsan burburka ku imaan doona masaalix badan oo gobolka ka taala.
James Risch oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka dibadda ee Senate-ka Mareykanka ayaa sheegay in dha-dhaqaaqyada kasoo cusboonaaday gobolka Tigray ee Itoobiya iyo gobollada ku xeeran ay ka dhalan doonaan cawaaqib aanan la mahdin.
Tan iyo dabayaaqada todobaadkii tagay waxaa saaxadaha warbaahinta iyo mida siyaasada gobolkaba laga dareemayaa arinkan, xumuumadaha Asmara iyo Addis Ababa ayaana markale qarka u saarana iney gorada is galiyaan uuna dhax maro dagaal qaraar oo burburiya mustaqbalkooda