Waddamada Yurub oo ay hoggaaminayaan Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa shir deg deg ah oo ay ku yeesheen Paris , iyagoo ay weheliyaan dhowr dal oo ay ku jiraan Japan, Koonfurta Kuuriya, Australia iyo New Zealand.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa in laga wada hadlo qorshaha lagu taageerayo ciidan nabad ilaalin ah oo la geynayo Ukraine marka uu dagaalka dhammaado, si loo xakameeyo ayaa la yiri awooda Ruushka.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay taliyeyaasha guud ee milatariga 34 waddan oo shirka ku sugnaa inay diyaariyaan qorshaha, waxaana ku jira qorsheynta in la diyaariyo kaydka hub culus iyo bartilmaameedyada hantida Ruushka.
Xiisada colaadeed ee ka dhax olollsan xukuumadaha Kyev iyo moscow ayaa dunida maanta ukala jabisay Laba garab, Mareykanka ayaana wali wada ololihiisa xabad joojinta ee danaha ku dhisan xilli Ukrain iyaduna ay sheegtay in wax walba ay ka tanaazuleyso si kaliya ay dib ugu hesho kaalmada militari ee Mareykanka.
FAAFREEB PRO