Shiinaha oo Qorsheynaya kulan ay Isugu Imaanayaan Xukuumadaha Moscow iyo Tehran.

Mar 13, 2025

Sida ay baahisay jariirada Newsweek, waxaa 14 bishan Maarso la qorsheynayaa in magaalada caasimada ah ee Beijing uu ka dhoco kulan ay isugu imaanayaan dalalka Iran, Shiinaha iyo Ruushka, kaas oo diirada lagu saari doono barnaamijka Nukliyeerka Tehran iyo cunaqabateenada cusub ee ay la kulmi karto Iran.

Waxaa xusid mudan in kulan lagu soo aadiyey xilli dowladda Mareykanka ay Iran ku cadaadineyso inay dib ugu soo laabato tallaabooyinka ay ku gaarayso inay hesho hub nukliyeer ah.

Trump ayaa dib u soo celiyay istaraatiijiyada cadaadiska ugu badan, taas oo uu ula gol leeyahay in curyaamiyo Iran dhaqaale ahaan, isagoo sidoo kale isbuucyo ka hor hawada u mariyey hanjabaad militari hadii xaaladu ay sidaan kusii socoto.

FAAFREEB PRO