Xoghayaha NATO oo Baaq ku Aadan Turkiga u Diray Hogaamiyaha Midowga Yurub.

Mar 12, 2025

Majalada The Fanancial Times ayaa sheegtay in xoghayaha guud ee gaashaan buurta NATO uu kula taliyay hoggaamiyaha Midowga Yurub inay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin xukuumada Turkiga, waqtigan cakirana ay haboon tahay iney ka tagaan dhamaan waxa xurguf ah ee kala dhexeeysa.

Sababta ay midan u haboontahay ayuuna xoghayuhu ku sheegay iney ka qeb qaadaneyso sara u qaadidada amaanka yurub, maadaama qaaradu ay la kulmeyso cadaadis xoogan iyo qoob gariir xaga amniga ah.

Midowga yurub iyo xukuumada Ankara cilaaqaadkooda ayaa mudaba mudada ka dambeysa u muuqday mid sii kala dhantaalmaya, waana mida Mark Rutte oo ah xoghayaha guud ee NATO uu dhowr jeer ugu soo celiyey hadalkan ay warbaahintu u qaaday dhowr dhinac.

Mustaqbalka Yurub ayaana sii mugdiyoobaya, xilli ay sii sara martay khilaafka kala dhexeeya nidaamka cusub ee Mareykanka, dharbaaxooyinka ugu culusna waxay kasoo gaarayaan dhanka amaanka iyo dhaqaalaha nuucyadiisa kala duwan.

FAAFREEB PRO