M/weyne-xigeenka Tigrey Oo Lama-huraan Ku Tilmaamay Dagaal dhex-mara Itoobiya iyo Eritrea.

Mar 12, 2025

Iyadoo xiisadda colaadeed ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Eretriya ay cirka isku sii shareertay kuna dhawdahay in faraha ay ka baxdo, ayaa Gen. Tsadkan Gebretensae oo ah Madaxweyne ku-xigeenka maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray uu sheegay in lama huraan uu u muuqdo dagaal ka dhex qarxa labadaasi dal.

Gobolka Tigrey oo sida la saadaalinayo halis ugu jiro inuu noqdo masraxa ugu weyn ee dagaalka, ayuu Gen Tsadkan ka dhawaajiyey in ka gobol ahaan ay door bidayaan inay ka fogaadaan colaadda noocaas ah ee laga yaabo inay isu bedesho gacan-ka-hadal.

“Xilli kasta, dagaal u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya wuu qarxi karaa,” ayuu yiri Tsadkan, oo hore u soo ahaan jiray Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Xabashida Itoobiya, kaas oo arrimahan kaga hadlay faallo uu ku qoray Wargeyska The African Report, isagoo ka digay in colaaddu ay ku fido meelo ka baxsan labada dal, sida Suudaan iyo gobolka Badda Cas.

Waxa uu ku dooday in xiisadda Addis Ababa iyo Asmara ay si tartiib tartiib ah u soo xumaanaysay tan iyo wixii ka dambeeyey heshiiskii Pretoriya ee ay wada galeen dawladda dhexe iyo Tigrey. Isagoo xusay in colaaddu ay haatan marayso heerkii u dambeeyey.

Eritriya ayuu ku eedeeyey in ay doonayso inay ka faa’iidaysato dalalka ku xeeran, gaar ahaan Itoobiya iyo Suudaan. Isagoo ku andacooday in Eritriya ay Tigray-ga u aragto caqabadda ugu weyn ee ku hor-gudban hammigeeda.

Tsadkan ayaa sidoo kale ka digay in kala qaybsanaanta ka dhex jirta Tigrayga ay xaaladda sii murgin karto. Isagoo carabaabay in garab ka mida Tigrey-gu ay ku biirayaan isbahaysiga Isaias Afawerki, iyagoo Eretriya u arka ayuu yiri awood lagu muquunin karo Abiy Axmed. Waxaanu ku tilmaamay kuwo aan dan ka lahayn masiirka Tigrey-ga.