Xilli guuldarrooyin waaweyn fagaarayaasha dagaalka lagu dhaxalsiiyay maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ayuu Xasan Gurguurte markale uqeylla dhaansaday dowladaha qeybta ka ah xamlada saliibiga ah ee dalka lagusoo qaaday.
Murtad Xasan Gurguurte ayaa safar qarsoodi ah ku aaday magaalada Abu Dubaay ee dalka Imaaraatka Carabta,ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxa kooxda riddada uu Imaaraatka Carabta ka raadsanayo taageero dhaqaale iyo mid melleteri.
Saraakiil katirsan kooxda Riddada ayaa lagasoo xigtay in Gurguurte uu Maxamed Bin Zaayed madaxweynaha dowladda Riddad Imaaraatka ka codsan doono in uu ubuuxiyo booskii uu baneeyay Mareykanka kadib markii Donald Trump uu jaray dhammaan taageeradii Maaliyadeed ee uu siin jiray maleeshiyaadka murtadiinta Bangaraafta ee loo yaqaan Danab.
Xasan Gurguurte oo aad uga niyad jabsan xaaladda guuldarro ee ay ku suganyihiin maleeshiyaadka ayaa calooshood ushaqeystayaasha Imaaraatka ugacan taaganaya waana dhaqan uu caan ku yahay bilaash xeytahan murtadka ah.
Imaaraatka Carabta,Turkiga,Mareykanka iyo dowladda Xabashida Itoobiya ayaa kooxda Riddada ku gacan siiyay xamladii mujaahidiintu ay fashiliyeen ee lagusoo qaaday wilaayaatka Islaamiga ah bartamihii sanaddii 2022-kii.
Kooxda riddada iyo maamul goboleedyada ashahaadda ladirirrada ayaa wajahaya xaalad qoob gariir ah kadib markii ay mujaahidiintu isbuucyo kooban kula wareegeen degmooyin iyo deegaanno dhaca bariga wilaayada Islaamiga Sh/dhexe iyagoona weerar cagmarin ah saacado kooban ku qabsaday degmada Balcad oo qiyaastii 30Km ujirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.