Itoobiya oo Dalbatey lix Markab oo Cusub Xilli Ay Ku Hawlan Tahay Qaadashada Badda Soomaaliya.

Mar 10, 2025
Dowladda Xabashida Itoobiya ee fadhigeedu yahay Addis Ababa ayaa shaacisay in ay ballaarinayso gaadiidkeeda badda xilli ay dalbatey lix markab oo cusub.
Hay’adda Gaadiidka Badda iyo Loogistikada Itoobiya ee ESL waxa ay tibaaxday in laba kamida lixda markab ay hadda Itoobiya gaareen kuwaas oo hawlgeli kara.
Labadan markab ee Itoobiya heshay ayaa qaadkooda lagu sheegay 62,000 oo tan, intaa waxa dheer in maraakiibtan loo qaabeeyay in ay qaadi karaan inta u dhexaysa 3000 ilaa 4000 oo kontaynar.
Warbaahinta Xabashida ee Fana ayaa sheegtay in Itoobiya ay haysato 10 markab kan ugu weynna lagu magacaabo Abay II, kaas oo muggiisu yahay 63,000 oo tan halka kuwa kale qaadkoodu intaa ka yar yahay.
Gadashada Itoobiya ee gaadiidka badda ayaa ku soo beegmaysa xilli DF Somalia ay Itoobiya u saxiixday qayb kamida badda taas oo Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibedda Federaalku uu ku sheegay dhanka Badweynta Indiya.