Yuhuuda oo Burburineysa Xarumaha Korontada iyo Biyaha Siiya Marinka Qaza.

Mar 9, 2025

Sida uu baahiyey joornaalka The Financial Times, xukuumada Binyamin Natanyaahu ayaa markan u hanqal taageysa naafeynta qaar kamid ah halbowlayaasha ugu muhiimsan ee korontada iyo Biyaha ay ka helaan muslimiinta ku nool gudaha marinka go’adoonsan.

”Israa’iil waxay ka fakaraysaa sidii ay u burburin lahayd xarumaha ugu weyn ee bixiya korontada iyo biyaha marinka Qasa.” waxaa sidaas lagu yiri nuqul kamid ah warbixinta uu nashriyey wargeyskan.

Tani waxay ku biireysaa liiska cabsida laga qabo in sahaayinadu ay jug culus gaarsiiyaan qaar kamid ah kaabayaasha ugu muhiimsan ee bulshada, kuwaas oo hada sameynaya kobac tan 19-kii January oo ah markii ay si rasmi ah u dhaqan gashay xabad joojintan uu hadda hareeyey buuqa xoogan.

FAAFREEB PRO