Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar cagmarin ah oo ciidamada mujaahidiintu ay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad degmada Aadan Yabaal ee wilaayada Shabeellaha dhexe.
In kabadan 24 askar iyo saraakiil ah oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Riddada ayaa lagu dilay weerarkii ka dhacay deegaanka Boos-hareeri.
Saraakiil sar sare ayaa ka mid ahaa murtadiintii lagu dilay Boos Hareeri kuwaas oo horboodayay xamladii ashahaadda la dirirka ee lagusoo qaaday wilaayaatka Islaamiga.
Murtadiinta halaagsantay waxaa kamid ah Abuukar Cabdulle Garmaqaate oo darajadiisa Ciidan ay aheyd Gaashaanlle, sarkaalkan ayaa kamid ahaa murtadiintii lagusoo tababaray dalka Turkiga wuxuuna laf dhabar u ahaa xamlada Saliibiga ah ee Xasan Gurguurte ku iclaamiyay wilaayaatka Islaamiga ah.
Sidoo kale waxaa saraakiishii lagu dilay dagaalkii Boos Hareeri kamid ahaa sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Adeeroow kaasi oo ahaa ashahaadda ladirir.
Baraha bulshadu kuwada xiriirto ee Internetka ayay murtadiintu si aad ah ugu baroorteen saraakiishii looga laayay deegaanka Boos Hareero ee duleedka Aadan Yabaal.
Dilkan saraakiishan ayaa kudaba faylaya kumanaan askar iyo saraakiil ah oo mujaahidiintu ay ku laayeen wilaayaatka dhaca bartamaha dalka Soomaaliya tan iyo markii uu xasan gurguurte lawareegay hoggaanka kooxda riddada.