Amanuel Assefa, oo ah gudoomiye-ku-xigeenka TPLF, gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay in bandhigyada ciidamadu ay ifafaalo u yihiin diyaar-garoow dagaal.
Xaaladda labada dal ayuu ku tilmaamay mid laga welwelo. Waxaanu ka dhawaajiyey in Tigrey-gu oo dhib badani soo martay uu noqon doono masraxa dagaalka.
Amanuel waxa kale oo uu ka hadlay xiriirka la sheegay inuu dhex-maray madaxda ciidamada TPLF iyo dawladda Eritrea, oo uu sheegay in ay tahay been-abuur aan sal iyo raad toona lahayn.
Waxaa jiray eedaymo ay Eretriya beenisay oo sheegaya in qaar ka mid ah madaxda militariga TPLF ay dahab ka soo daabuli jireen meelaha macdanta laga qodo ee Tigray, iyagoo sii maraya Eritriya.
Getahew Reda, oo ah madaxa maamulka Tigray-ga ayaa dhawr bilood ka hor shaaciyey in Masar ay taageero siisay garabka mucaaradka ee TPLF, labadii sano ee ay dagaalka kula jireen xukuumadda Abiy Axmed.
Masar ayaa hadda xulafo la ah Ereteriya iyo kooxda Villa Soomaaliya, iyadoo wadda abaabul ka dhan ah dawladda Xabashida Itoobiya.
Badar Cabdul-caadi oo wasiirka khaarajiga Masar ayaa usbuucii hore caasimadda Asmara wada-hadal kula yeeshay madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki oo ay isku afgarteen qodobbo ka hor imanaya damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.
Itoobiya iyo Eretriya ayaa haatan qarka u saaran inuu dagaal ka dhex qarxo, xiisaddaas oo sii xoogaysatay kadib markii dhawaan ay labada dhinac isweydaarsadeen eedaymo cul-culus.