Dagaalka Ganacsi oo Xoogan oo Markale ka Dhax Qarxay Mareykanka iyo Shiinaha.

Mar 5, 2025

Sida ay baahiyeen inta badan jaraa’idyada galbeedka waxa uu markale hardan dhaqaale oo xoogan uu ka dhax bilowday xukuumada Washington iyo Beijing, Donald Trump ayaa ugu horeyntii sheegay in 10 boqolkiiba canshuur ah uu saarayo badeecadaha kasoo dago Shiinaha.

Muddo fog kama soo wareegan Beijing ayaa iyadana soo saaratay war ay ku sheegeyso in canshuur dheeraad ah uu saaray badeeca walba oo ka timaada dhanka Mareykanka, taasoo si kama dambeys ah u dhaqan gali doonta 10 bishan aynu ku guda jirno ee Maarso.

Intaa oo kaliya ma aha sidoo kale Shiinaha ayaa 15 shirkadood oo Mareykan ah leeyahay ku daray liiska shirkadaha aan lagu kalsooneyn, waxayna badeecadooda galaysa Shiinaha maraysa baaritaan dheeri ah, taa oo sababi karta khasaare badan oo shirkadahan ay la kulmi doonaan, sabab la xiriirta in badeecadaha shirkadan muddo badan ay xanibnaan doonaan, taa oo xataa dhalin karta marka ay alaabadu isbeddel ama waxyeello gaarto shirkadahan in dib loo celin karo ama lala wareegi karo dowladda Shiinaha.

Waxaa midan lagu tilmaamay loolankii dhaqaale ee ugu xooganaa ee ay hadda arkeyso dunida, Donald Trump iyo Xi Jinping ayaana hadda mid walba waxa uu ku dadaalayaa sidii uu u naafeyn lahaa kan kale dhaqaalihiisa.

FAAFREEB PRO