Sida lagu baahiyey sawiro iyo muuqaallo laga soo qaaday magaalada Baydhabo ayaa muujinaya in ciidamada Itoobiya ay bilaabeen inay maleeshiyaat u tababaaraan maamulka ridada ee Koonfur galbeed.
Murtad C/Casiis Lafta-gareen oo ah madaxa maamulka ridada ee Koonfur galbeed oo booqday xerada ciidamada Itoobiyaanka ee magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in dowladda Xabashida Itoobiya ay maleeshiyaat u tababarto.
Arrintaan waxay imaanaysaa xilli khilaaf xooggan uu soo kala dhexgalay murtad Lafta-gareen iyo kooxda ridada ee Xasan Gurguurte.
Lafta-gareen ayaa dhawaan wafdi ka socday dowladda Itoobiya kusoo dhaweeyey magaalada Baydhabo iyagoona sheegay wafdigaasi ay maamulka ridada Koonfur galbeed kala shaqeyn doonaan arrimaha Amniga.
Dadka siyaasada u dhuun-daloola ayaa sheegaya inay Lafta-gareen uu damacsan yahay inuu qabsado doorsaho dad-ban oo lamid ah midii uu qabsaday Axmed Madoobe taasoo ay si weyn uga soo horjeedo kooxda ridada ee Gurguure.