Mareykanka oo Kaalmadii Militari si Guud Ahaan Kaga Jartay Ukrain.

Mar 4, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo dhammaan kaalmada milatari ee Mareykanku siiyo Ukraine, xilli Kyev ay ku jirto xaalad xasaasi ah.

Sarkaal sarre oo ka tirsan maamulka Trump ayaa sidoo kale xaqiijiyey in gargaarka la joojin doono illaa ay Ukraine ka muujiso inay ka go’antahay wada-hadal nabadeed oo lagu joojinayo dagaalka.

Wargeyska Washington Post ayaa sheegay in kaalmada la jaray ay kamid tahay rasaasta, nidaamyada radarka, dhimista wadaagga sirdoonka iyo joojinta barnaamijyada tababarka ciidamada Ukraine oo ay ku jiraan duuliyayaasha loo tababarayay Ukraine.

Waxay midan kusoo beegantay xilli 2 maalin ka hor gudaha London uu ka qabsoomay shir isugu yimaadeen ilaa 18 dowladood oo reer yurub ah, kaas oo uu ajandihiisu ahaa in looga soo horjeesto aragtiyada Ruushka iyo Mareykanka.

FAAFREEB PRO