Murtad Lafta-Gareen oo Sheegay in Itoobiyaanka Ay Walaalo Yihiin

Mar 4, 2025

Xafladaan oo ka dhacday xerada ciidamada Itoobiyaanka ay ku leeyihiin magaalada Baydhabo ayaa ayey xabashida ugu dabaaldagayeen dagaaladii ay la galeen Talyaaniga oo Itoobiya soo gumeystay.

Xubnaha ka qeybgalay xafladaan waxaa kamid ah murtad C/Casiis Lafta-gareen oo ah madaxa maamulka ridada ee Koonfur galbeed, isagoona amaanay Xabashida Itoobiya, sheegayna in ay walaalo yihiin .

Lafta-gareen ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay garab istaagtay maamulkiisa, isagoona halkaasi ka amaanay boqorkii Xabashida ee Mililigii 2aad.

Waa markii ugu horeeysay ee ciidamada Xabashida Itoobiya ay xaflad nuucaan oo kale ah ku qabsadaan magaalada Baydhabo, iyadoona shaley la arkayey ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan magaaladaasi ay soo bandhigayeen dhoolatus Militar.