Iran oo Markan sii Xoojineysa Sirdoonada ay ku Leedahay Gudaha Yuhuuda.

Mar 1, 2025

Iran oo markan sii xoojineysa sirdoonada ay ku leedahay gudaha yuhuuda iyo nin in muddo ah u shaqeynayey oo gacanta lagu dhigay.

Sida uu baahiyey wargeyska deegaanada gumeystaha ka soo baxa ee Haaretz , waxay ciidanka booliska iyo sirdoonka sahaayinada gacantata ku dhigeen nin asal ahaan yuhuudi ah balse basaas in muddo ah u ahaa sirdoonka Iran isahoona la wadaagay xogo badan oo xasaasi ahaa.

Warbixinta waregyskan ayaa sidoo kale sheegeysa in ninkan intii uu shaqeynayey ay sirdoonada Iran wadiiyeen inuu sawirro iyo muuqaallo dhowr ah uu ka keeni karo guriga uu daganyahay Ronen Bar oo ah madaxa hay’adda amniga guud gumeystaha.

Si kastaba ha ahaatee waxay midan si cad u muujineysaa in xukuumada Tehran ay markan isku dayeyso sidii ay u xoojin lahayd in ciidanka yuhuuda dhaxdooda ay ku beerato basaasiin fara badan oo u shaqeeya, waxayna midan dhowr jeer oo hore ka caawisay in loo soo dusiyey faylal xasaasi ahaa, sida qorshihii lagu doonayey in 2024 lagu weerarox arumaha nukliyeerka Iran.

FAAFREEB PRO