Ilo-wareedyo maxalliya ayaa tibaaxaya in sidoo kale ay jiraan dad ku dhaawacmay dabkan, balse tiradooda aan la sugin.
Warbaahinta Itoobiya oo soo xiganaysa ilo deegaanka ah ayaa ku warantay in dabku uu kacay habeen hore fiidkii, kaas oo saameeyay guryo cooshado ah oo ay degganaayeen tobanaan qoys oo danyar ah.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay dabkan, sidoo kale ciidamada Booliska iyo maamulka magaallada ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdadan.
Adanech Abeibie, oo ah duqa magaallada Addis Ababa, ayaa booqday goobta uu dabku ka kacay.
Axmed Maxamed oo ah guddoomiyaha dab-demiska iyo ka hortagga masiibooyinka ee Addis Ababa ayaa sheegay in dabku kacay xilli habeen ah, gaar ahaan waaberi ku-dhawaadkii.
Warbaahinta Fana oo ka mid ah warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in dabku uu geystay khasaare isugu jira guryo iyo goobo ganacsi.
Si kastaba ha ahaatee, inta uu le’eg yahay guud ahaan khasaaraha ka dhashay dabkaasi ayaanay weli si rasmi ah u sheegin warbaahinta dawladdu.
Dhacdooyinka caynkan ah oo lagu soo warramayo inay soo noqnoqdeen muddo dhowr sano ah, ayaa waxaa jira eedaymo loo jeediyey xukuumadda Abiy Axmed oo ku saabsan ku lug-lahaansha dhacdooyinka qaarkood.