Dagaallo Lagu Jabiyay Maleeshiyaatka Ridada oo Ka Dhacay Shabeellada-Dhexe.

Mar 1, 2025

Shabeellada Dhexe:

Dagaallo lagu jabiyey maleeshiyaatka ridada ayaa galabta waxay ka dhaceen duleedka magaalada Ceelbaraf, waxaana dagaaladaasi ku dhintay 6 askari oo murtadiin ah, 4 kalana waa lagu dhaawacay.

Dhanka kale 2 qarax ayaa maleeshiyaatka ridada galabta lagula eegtay duleedka Ceelbaraf, mid kamid ah qaraxyadaasi waxaa lagu gubay gaari C/Bile ah, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday 8 askari oo murtadiin ah.

Banaadir.

Ciidamada Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay qarax la beegsadeen guri ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin iyo maleeshiyat ka tirsan maamulka Ridada ugu magacaaban degmada Kaxda waxa uu guriga weerarka ka dhacay ku yaalaa xaafada cali ganeey ee degmada Kaxda