Shiinaha oo ku Howlan Sameynta Aalad Aanan Horay Loogu Araga Furimaha Dagaalka.

Feb 26, 2025

Shiinaha ayaa ku howlan soo bandhigida aalado qarxa oo nuucooda aanan loogu arag furimaha loolanadu ay ka socdaan, xilli xiisada kala dhexeysay Mareykanka ay sii xoogeysaneyso.

Sida ay baahisay majalada South China Morning Post, saynisyahannada milateriga Shiinaha ay billaabeen diyaarinta robot awoodda inuu fuliyo weerarro qaraxyo ah, una nashqadeysan sida diyaarahada yar yar ee wax basaasa.

kaddib markii dhoolatusyadii u dambeeyay ee ay sameeyeen ciidanka Shiinaha ay lagu waramayaa inuu oggaaday inay jiraan bartilmaameedyo aysan howlgallo ka fulin karin diyaaraaradahooda dagaalka ee aan duuliyaha lahayn, taa beddelkeeda goobahaas ayey u diyaarinayaan robot-yo fulin kara qaraxyo, awoodna u leh iney burburiyaan masaafo 80-mitir ah.

Waxaa midan lagu tilmaamay in xukuumada Beijing ay isku diyaarineyso haradno fara badan kuwaas oo ay ka filaneyso iney waqti kasta uga imaan karaan dhanka Mareykanka iyo guud ahaan wadamada yurub oo aysan sinaba isku qaadan siyaasad ahaan.

FAAFREEB PRO