Natanyaahu oo Amar Lagu Siiyey soo Gudbinta Warqadihiisa Caafimaad, Maxay Tahay Sababta?.

Feb 26, 2025

Natanyaahu ayaa amar lagu siiyey soo gudbinta warqadihiisa caafimaad xilli shaki xoogan laga qabo xaaladiisa caafimaad.

Warbixin ay si wada jir ah u baahiyeen joornaalada joornaalada The Juruslum Post iyo Macaariif ayaa lagu sheegay, in maxkamadda ugu sareysa yuhuuda ayaa ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonto Binyamin Netanyahu hadii uu maalmo kooban kusoo gudbin waayo warqadihiisa caafimaadka oo dhameystiran, kaddib markii saxafiyiin iyo garsoorayaal maxkamadeed ay gudbiyeen kiisas ka dhan ah ninkan oo ay sheegeen inuusan caafimaad qabin oo u qarinayo xaaladiisa.

Sidoo kale madaxa sahaayinada ayaa dhowr jeer oo hore iska indha tiray dhagaha ka xirtay inuu gudbiyo xogihiisa caafimaadka, maadaama uu ka baqanayo in xilkiisa uu waayo hadiiba mar lagu helo xanuunada qaar.

hadda waxaa loo qabtay muddo labo toddobaad ah si uu maxkamadda ugu soo gudbiyo diiwaankiisa caafimaadka, hadiisa markan uu ihmaaliyo go’aankan ayaa lagu waramayaa iney cadeyneyso in ninkan uu la xanuusanayo jirooyin halis ah balse uu doonayo inuu kusii fadhiyo kursiga, iyadoo inta badan bulshada yuhuuda ay hadda xaaladoodu mareyso mid quus ah ayna doonayaan wadhiiqo ay ninkan xilka uga xayuubiyaan.

FAAFREEB PRO