Mareykanka ayaa markii u horreysay ka soo horjeestay qaraarka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay kasoo baxay oo lagu cambaareynayay duullaanka Ruushka ee Ukraine, taas oo gacmaha madaxa u wada saartay dalal badan oo ku gowracnaa siyaasad ahaan Mareykanka.
Sida ay baahiyeen joornaalo badan oo Ameerikaan ah sida The Hill oo kale, nidaamka cusub ee Trump ayaa si cad u sheegay inuu la safanyahay dowladda Ruushka, marnabana uusan cambaareyneynin waxa ka dhax socda Kyev iyo Moscow, Putina uu u arko saaxiib caadi ah si ka duwan dalalka yurub.
Madaxa aqalka cad ayaa go’aankan kaga soo horjeestay xulafadiisa reer galbeedka , waxayna midan noqotay isbadal layaab leh, kaddib sannado uu dhaqaale badan Mareykanka ku bixinayay dagaalkan hadda waa mid la safan Ruushka .
Waxaa Mareykanka raacay kana soo hojeestay qaraarkan lagu cambaareynayo Ruushka wadamo kale oo ay kamid yihiin Belarus, Hungary, North Korea, Nicaragua, Central African Republic, Burkina Faso iyo maamulka yuhuuda.
Waxay dabcan midaan kusoo beegantay ayaa la oran karaa xilli xukuumada Washington ay wada wada xaajoodyo ay sheegtay iney ku dooneyso iney kusoo afmeerto colaadan 3 sano jirsatay, balse galbeedka iyo Ukrain ayaa midaas sheegay iney kasoo horjeedaan aysana aqbali doonin in sidan fudud lagu soo afmeero xiisda.
FAAFREEB PRO