Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee New York Times ayaa ku warramaya inay jirto walaac laga qabo dib u dhaca ku yimid wada-xaajoodka wajiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa, waxayna midan horseedi doontaa ayuu yiri joornaalka burbur ku yimaada guud ahaan xabbad-joojinta dhax taala dhinacyada.
Dhanka kale sarkaal sare oo ka tirsan kooxaha muqaawamada Filistiin laguna magacaabo Basem Naciin ayaa sheegay in hadda qof walba ay u cadaatay mowqifka uu Netanyahu qaatay oo ah burburinta heshiiska xabbad-joojinta Qasa.
Dhanka kale shalay warsaxaafadeed ay soo saareen ciidanka yuhuuda waxay ku sheegeen iney diyaar garow ugu jiraan sidii ay ugu noqon lahaayeen dagaalka marinka, taasoo ka dhigan in waji Labaad oo xabad joojin ah aysanba dhici doonin sida ay qorshyenayaan.
Tan iyo horaantii bishan gabagabada ah ee february waxaa laga dardaar warinayaan arinkan, kooxaha wax iska caabinta Filistiin ayaana u muuqda kuwa heegan ugu jira xaalad walba, iyagoona mudadan xabad joojintu ay socoto soo bandhigay cudud ciidan oo soo jiidatay indhaha caalamka.
FAAFREEB PRO