sida lagu cadeeyey warsaxaafadeed ay baahiyeen ciidanka yuhuuda waxay ku sheegeen inay isku diyaarinayaan inay dib ugu laabtaan dagaalka Qasa, kadib heshiis xabad joojineed oo la gaaray 19-kii bishii Janaayo ee sanadkan 2025.
Waxay askarta sahaayinada hadalkooda intaasi ku dareen iney mudooyinkaan oo idil la waday qiimeyn ku saabsan talaabanaad, ayna ugu dambeyn suuragal u muuqatay iney sameeyaan dhiirasho kale oo ay ku galayaan dagaal hor leh, waa sida ay hadalka u dhigeene.
“Kaddib qiimeyn xaaladeed waxaa la go’aamiyay in la kordhiyo diyaargarowga hawlgalka cusub oo lagu qaadayo aagaga ku ku hareeraysan marinka Qasa.” waxaa sidaas lagu yiri warsaxaafadeed ay baahiyeen ciidanka yuhuuda.
Dhanka kale ra’iisul wasaaraha gumeystaha Benjamin Netanyahu wuxuu waxyar ka hor sheegay iney diyaar u yihiin in ay dib u bilowdo dagaalka marinka Qasa, “daqiiqad kasta” isagoo wacad ku maray in ay dhamaystiri doonaan yoolalka dagaalka.
Xabbad-joojinta Qasa ayaa hadda u muuqata inay isku rogtay mid jilicsan oo waqti kasta uu burbur ku imaan karo, xilli sahaayinadu ay hakiyeen sii deynta in ka badan 600 oo maxaabiis falastiiniyiin ah, kuwaas oo qorshuhu ahaa in la sii daayo muddo Laba maalin ah ka hor, iyadoo ku sababaysay in aanay ku qanacsanayn habka loo sii daayo maxaabiistooda ku jirta gacanka kooxaha muqaawamda Filistiin.