Madaxweynaha Ukrain oo ku Dhawaaqay Inuu Is Casilayo, Maxay Tahay Sababta?.

Feb 24, 2025

Sida uu daabacay wargeyska Newyork Post madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay saacado ka hor waxa uu ku ku caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu ka tago xilka madaxweynaha haddii ay xal nabadeed oo deg deg ah u keenayso Ukrain, taa oo ku dhacaysa sida uu sheegay haddii la soo bandhigo dammaanad qaad amni.

Waxa uu sidoo kale ninkan sheegay inuu xilka ka deggayo haddii Ukraine ay ku biirayo Isbaheysiga NATO, taasoo ah damac ay dowladaan ku tahmeyso sanado badan balse ilaa hada u hirgali la’a.

Intii uu socday shirkan jaraa’id waxa uu sidoo kale Zelensky soo hadal qaaday doorasho waqti xaadirkaan ka dhacda wadankiisa, isagoona midaas ku tilmaamay wax aanan suuragal ahayn oo dhabta ka fog, sababtuna waa in Ukrain dadkeeda ugu badan ay jiraan dibadaha, gobolada qaarna la heysto.

Dhanka kale gunaanudkii ninkan ayaa soo hadal qaaday damaca Mareykanka ee macdanta qaaliga ah ee Ukrain, wuxuuna si cad uga dhawaajiyey iney diideen iney saxiixaan heshiis uu Mareykanka khayraadka Ukraine ku helayo, isagoo sheegay in 10 jiil oo dadka reer Ukraine khayraadkii ay adeegsan lahaayeen inuusan hadda bixin doonin qiimo kasta oo la soo bandhigo.