Ukrain oo sheegtay in gudaha wadankeena lagu soo daad gureynayo boqolaal kun oo askari oo Raashiyaan ah, xilli xiisada reer yurub iyo Moscow ay sii karaar qaadaneyso mudooyinkan dambe.
Sida uu warbaahinta la wadaagay madaxa xukuumada Kiyev Volodymyr Zelensky Ruushka ciidamada hada uga sugan gudaha dhulka Ukrain ayu uku sheegay iney gaarayaan ilaa 800,000 oo askari oo uu dhameystiranyahay agabkooda militari.
Sidaa darteed Zelensky ayaa codsaday in hadda aysan jirin wax askarta reer yurub ka maanacaya iney ka barbar dagaalamaan ciidamada Ukrain, midaasina uu codsanayo xilli walba.
Kyev ayaa dhanka kale wali u hanqal taageysa ka qeeb ahaanshiyeheeda gaashaan buurta NATO, si mar ay dhinac isaga rido xiisadaha ay kala kulmeyso Moscow waliba iyadoo kaashaneysa dalaka xubnaha ka ah isbeheysiga.
FAAFREEB PRO