5 qof oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Shil Gaari oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Jun 11, 2025

Shil sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa habeennimadii xalay ka dhacay agagaarka isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa lagu soo warramayaa in uu dhacay kadib markii gaadhi weyn oo nooca xamuulka qaada ah uu goostay fariinka isla markaana uu dardaray Mooto bajaaj sidday askari ka tirsan maleeshiyaadka ridada.

Baabuurkan xamuulka ah ayay wararku tibaaxayaan in uu gebi ahaanba dul-maray mooto-bajaajta, halkaasna uu ku geeriyooday askarigii mootada la socday iyo weliaba dirawalkii mootada, waxaana sidoo kale goobtaasi ku dhaawacmay 3 qof oo shacab ah.

Gaarigan xamuulka ah ayay wararku sheegayaan in uu rarnaa, kaas oo raashin kasoo qaaday dekedda magaalada Muqdisho.

Shilalka gaadiid ayaa aad ugu soo badanaya gudaha magaalada kadib markii kooxda ridada Somaliya ay xiratay badi waddooyinkii halbowlaha ahaa ee magaalada Muqdisho.