Jamaacada jihaadiga ah ee Nusratul Islaam Wal-muslimiin kana hawl-gasha saaxilka iyo saxaraha afrika ayaa todobaadkan horraantiisii dhegta dhiigga u dartay askar fara badan oo ka tirsan ciidanka Burkino Faso.
Az-zallaaqa oo ah garabka warbaahineed ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ayaa tebisay weerarro xooggan oo lagu qaadday xerooyin ay deggenayeen ciidamada Burkino Faso.
Jamaacada ayaa cagta marisay saddex xero oo ciidamada Burkino Faso ku lahaayeen deggaannada Baani, Furji iyo Biisala oo u dhexeeya gobollada Duuri iyo Kaaya ee dalka Burkino Faso.
Khasaare culus ayaa ka dhashay weerarradan waaxaana lagu dilay ugu yaraan 33 askari oo ka tirsan ciidamada Burkino Faso, halka saanad milleteri oo aad u fara badanna gacanta lagu dhigay.
Warbaahinta Az-zallaaqa ayaa soo bandhigtay qaybo ka mida agabyadii kala duwanaa ee lagu soo furtay dagaalladaasi oo ay ka mid yihiin 10 qori oo PKM ah lana socdaan 21 cajaladood (qasnadood) iyo qori dhashiike ah.
Waxa kale oo ka mida, 3 qori oo ah nooca loo yaqaan RPG ama Sabanka, 38 qori oo AK47 ah, 160 Qasnadood, gaadhi ciidan iyo baabuur kale oo la sheegay in la gubay iyo agab kale oo millateri oo fara badan.
Jamaacada Jihaadiga ah ee Nusratul Islaam Wal-muslimiin ayaa bilahan u dambeeyey fuliyey hawl-gallo waaweyn oo ay ku dhiig-bixiyeen calooshood-u-shaqaystayaasha Ruush-ka ee Fagner iyo maleeshiyaadka ku daabban.