Ugu yaraan 69 qof ayaa ku dhintay oo 25 ka mid ah u dhasheen dalka Mali kaddib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Morocco sidaasina waxaa xaqiijiyay xukuumada Mali.
Doonta waxaa sarnaa rakaab gaaraya 80 qof, waxaana ka badbaaday 11 qof sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal soo baxay 9 ka mid ah dadka la soo badbaadiyay waxay u dhasheen Mali.
Doontan ayaa lagu waramayaa iney gashay shil xilli ay ku socotay xawaare sare sidaasina ay u qalibantay.
Jidka tahriibayaasha ee ka soo bilowda xeebaha Mauritania iyadoo lasii maro Morocco sidaasna lagu gaaro Spain ayaa loo arkaa in uu yahay kan ugu khatarta badan adduunka.
Dhanka kale waxaa mudooyinkaan dambe si weyn u kordhay tirada dadka maraya jidka Atlantica si ay Yurub u gaaraan toddobaadkan ayeyna ahayd markii hay’ad sheegata iney fisiso gargaar bini aadanimo ay sheegtay in tiro ka badan 10 kun ay sanadkan dhinteen iyagoo isku dayaya inay doon ku gaaraan dalka Spain.