200 oo Falastiiniyiin Ah oo Ku Hoos Jira Burburka Hoostiisa.

Dec 3, 2024

idamada gumeystaha Yahuudda waxay 48-kii saacadood ee u dambeeyay Gaza ka gaysteen xasuuqyo ka dhan ah dadka rayidka ah, halkaas oo ay ku shahiideen boqollaal qof oo Falastiiniyiin ah.

Dr. Xussaam Abuu Safiyah, oo ah maamulaha cisbitaalka Kamaal Cudwan ee magaalada Bayt Lahiya, ee dhacda waqooyiga Gaza, ayaa sheegay in 200 oo Shuhado falastiiniyiin ah ay ku xannibanyihiin burburka guryihii ay Yahuuddu ku burburisay duqaymaha waqooyiga Marinka Gaza ka dhacay 48-kii saac ee u dambeeyay.

Wuxuu tilmaamay in aan lagu guuleysan in aan weli burburka hoostiisa laga soo saarin dadka shuhadada, xasuuqan foosha xun ee uu ciidanka Yahuuddu ka gaystay marinka Gaza ayuu sheegay in uu qayb ka yahay xasuuqyada ka socda Gaza ee ka dhanka ah qoysaska rayidka.

Abu Safiya ayaa xusay in ciidanka guumaystaha Yahuudda ay xasuuqaasi u gaysteen qoysaska Al-caraj, Al-Baba, Calyan, iyo Warsh Agha, Cisbitaalka uu maamulana ay geeyeen oo kaliya 3 qof oo nool, kuwaas oo ah kuwa kaliya ee ka badbaaday duqaynta Yahuudda.