12 Sano Kadib Bulshada Kenya oo Xusaya Weerarkii Westgate Mall ee Dhagta Dhiiga Loogu Daray Gaalo Badan.

Sep 21, 2025

21-kii September 2013, Laba iyo Toban sano ka hor manta oo kale, waxaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ka dhacay weerarkii weynaa ee lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate Mall.

Weerarkan oo socday dhowr maalmood, wuxuu noqday mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee gudaha Kenya ka dhaca wixii ka dambeeyay qaraxii 1998-dii ee lagu burburiyay safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Westgate Mall ayaa jawaab celin u ahaa duullaankii gardarrada ah ee ciidanka melleteriga Kenya ay kusoo qaadeen dalka Soomaaliya daba yaaqadii sanaddii 2011, 12 sanadood kadib weerarkii Westgate dowladda Kenya wali wax xog ah kama heyso halka ay iskasoo abaabuleen raggii weerarka fuliyay marka lagasoo tago warar aan larumeysan karin oo ay warbaahinta ka jeediyeen saraakiil horay uga tirsanaa dowladda, balse Xarakada Al-Shabaab mujaahidiinta ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka iyadoo sheegtay in ay fuliyeen afar ka tirsan dagaalyahanadeeda.

Weerarkii Westgate waxaa lagu dilay ugu yaraan 67 qof oo isugu jiray muwaadiniin Caddaan reergalbeed ah iyo dad Kenyaan ah oo xilligaas ka dukaameysanayay dhismaha oo milkiyaddiisa ay leeyihiin ganacsato Yahuud ah.

Intii uu socday weerarka waxaa dhismaha ku go’doonsanaa boqolaal qof kuwaas oo qaarkood si dirqi ah weerarka uga badbaaday.

Waxaa maanta oo weerarkaasi laga joogo ku dhawaad 12 Sano, mar kale baraha bulshada qabsaday baroor diiqa iyo xasuus ka qorka dhacdadan, iyadoo lasoo badhigayay sawirro muujinaya holac iyo qiiro madaw oo ka baxaysay goobta iyo dad Kenyan ah oo xiligaa ku jahwareersanaa sida ay uga baxsan lahaayeen rasaasta Mujaahidiinta.

Mid ka mid ah dadkii sida dirqi ahayd uga badbaaday weerarka ayaa yiri “Waxaan dhex soconnay dukaamada sidii caadi ahayd, si lama filaan ah ah ayaa rasaas u bilaabatay, duniduna way rogmatay.” Mark Ochieng oo 46 jir ah kana mid ahaa dadkii weerarka ka badbaaday ayaa isna weerarkan ku tilmaamay in uu ahaa riyo xun oo dhab noqotay.

Saameynta weerarka Westgate ee dawladda Kenya waxayd ahayd mid dhowr jiho leh, waxaa muuqdya caqabado dhanka amniga ah, halka sidoo kale weerarku soo kordhiyay cadaadiska siyaasadeed ee ku wajahan hoggaanka dawladda iyo ciidamada amniga ee dalkaasi.

Dhacdana waxay sidoo kale banaanka soo dhigtay tabar-darrida iyo isku dhaxyaaca ciidamada iyo madaxda dawladda Kaafiradda ah ee kenya, intii uu weerarku socday waxaa jiray warar sheegay in dawladdu kaalmo u yeeratay khubaro iyo ciidan Ajnabi ah si loo soo afjaro weerarka, taas oo dhalisay dood siyaasadeed iyo fadeexad ku habsatay awoodda Kenya ee ka jawaabista xaaladaha deg-dega ah.

Sidoo kale weerarkan waxa uu ka mid noqday weerarrada qal-qalka iyo cabsida ku abuuray dawladdaha kale duwan ee duullaanka kusoo qaaday dalka muslimka ah ee Soomaaliya si Maraykanka iyo Engiriishka, kuwaa oo digniino isdaba joog u dira muwaadiniintooda ku sugan gudaha Kenya.

Weeraradii ugu dhiig daadashada badnaa ee ay lakulantay dowladda Kenya tan iyo markii ay ciidamadeedu ku biireen duullaanka saliibiga ee soomaaliya lagu qaaday waxaa kamid ah weerarkii jaamacadda Gaarisa, Wesgate Mall, Manda Bay iyo weerarkii dhismayaasha isku raranka ah ee 14 Riverside.

Kenya waxaa isku raac raacay weeraro laayaan ah oo uga imaanaya Mujaahidiinta Soomaaliya, melleteriga kenya ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ayaa isna lakulmaya dhiigbax joogta ah, ciidanka Mujaahidiinta Al Shabaab waxay howlgallo jihaadi ah si halhaleel ah uga wadaan dhulka NFD iyo gobolka Lamu ee xeebaha dhaca.

FAAFREEB PRO