Joornaalka Le Point oo daabacay warbixntan aan soo xiganeyno waxa uu ugu horeyntii sheegayaa in Ruushku uu inta badan isagu ahaa midka leh libixnta sare, bilihii u dambeeyey sida October oo kalana uu fuliyey weeraro xoogan oo ka dahnka ah Ukrain, sidaas oo ay tahay Le Point waxa uu leeyahay Kiyev iyadu xitaa ciida ayey madaxa ka ceshatay, oo waxay fulineysay howgallo cul culus.
Marka loo yimaado khasaaraha ku yimid Labada dhicna muddadan Kunka maalmood ah, Moscow ayaa fangareysay aduun lacageed oo gaaraya ilaa $320 bilyan oo dollar, sicir bararka ayaa kor u kacay in ka badan boqolkiiba 9%, waxay weysay ilaa 700,000 oo askari, ayna sii dheeratahay khasaaraha shacabka, saanada ciidan iyo burburka ku yimid gudaha wadanka, oo iyaguna cadadoodu aysan yareen.
Dhanka Ukrain, waxaa iyadana lagu waramaya in shaqsiyan ay khasaartay lacag gaareysa ilaa 152 Bilyan oo Dollar, oo aysan ku jirin lacagihii Mareykanka iyo reer yurub ay ku faraqayeen inta uu dagaalku socdo, waxaa dhintay in kabadan 11 kun oo rayid ah, waxa uu hoos u dhac balaaran ku yimid dhaqaalaha wadanka, khasaaraha dhanka ciidankana waa xarga goosad isaguna.
Kun maalmood kadib xaalada Labada dhianc ayaa hada u muuqata mid sii galeysa waji hor leh, reer galbeedka iyo Mareykanka ayaana Moscow iyo Kyev isugu sii dhiibaya hubka, waxaana maalmaan dambe bogaga hore ee warbaahinta saaran warbixino muujinaya cabsida laga qabo qarxida dagaalka Sadaxaad ee dunida.
FAAFREEB PRO