100 Xildhibaan oo Xasan Sheekh ugu Baaqay in uu Sida ugu Dhaqsiyaha Badan Isku Casilo.

May 15, 2025

Sida lagu waramayo ilaa 100 xildhibaan ayaa murtad Xasan Sheekh ugu baaqay inuu iska casilo kursiga Villa Soomaaliya maadaama uu ku fashilmay hogaaminta xukuumadan haadaana ay kasii laalaadaan.

Dadka ugu cad cad misana soo maray xukunka kooxda ridada Soomaaliya hadana qeyb ka ah xildhibaanada mucaaradsan Gurguurte waxaa kamid ah murtad Shariif Sheekh Axmed oo si cad ugu sheegay madaxa murtadiinta inuu kursiga isaga tago wajigiisana uu dadka ka hor leexiyo.

Xildhibaanadan ayaa dhamaantood murtad Gurguurte ku eedeynaya arrimo tiro beel ah, iyagoona aaminsan in mudadan Sadaxda sano ah uusan waxba hambeyn hadii uu sii joogana uu masiirkooda ku jiro halis balaaran waa sida ay hadalka u dhigeene.

Kooxda ridada ayaa wajaheysa qolqolatooyin siyaasadeed iyo mucaarad dhan waliba ah, waxa uuna murtad Xasan Sheekh Maxamuud isku dayayaa inuu waxaas oo idil ku daboolo shirar iyo qabashada xaflado aanan waxba ku dhisneyn, isagoona waqti xaadirkan sheegaya inuu yagleelay xisbi cadaalada u taagan xilli cadaalad daraduba ay hoygiisa tahay.

Saacado ka hor masuuliyiin uu ugu horeeyo murtad Siciid Cabdullahi Dani ayaa Gurguurte hawada usoo mariyey weerar afka ah isagoona ku tilmaamay mid aanan waxba xeerineyn oo xitaa iibsaday qubuurihii dadku ku aasnaayeen.

Waxayna xaalada murtadiintu ayaa hadda mareysaa halkii ugu hooseysay xilli dhanka kale gaaladii tabantaabineysay ay maalin waliba soo saarayaan diraasaad ay ku muujinayaan walaac daran iyo iney Muqidsho ka dhacaan wixii ka dhacay Kaabul iyo Dimishiq.

FAAFREEB PRO