100 Qof oo ku Dhintay Dagaallo ka Socda Galbeedka Itoobiya.

Dec 22, 2025

Waxaa aad looga dayriyey xaalad amni oo kasoo korortay galbeedka Itoobiya, kadib markii dad fara badan lagu laayay gobolka Gambella oo ah is-maamul hoos-taga dawladda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Addis Ababa.

Dad lagu qiyaasay 100 qof ayaa ku dhintay dagaallo ba’an oo u dhexeeya labada qoomiyadood ee ugu waaweyn gobolkaasi, kuwaas oo dirirtoodu sii xoogaysatay kadib markii maalmo ka hor la dilay taliyihii booliska ee magaalada Gambella.

Bayaan kasoo baxay maamulka Gambella ayaa lagu sheegay in ay jiraan xoogag hubaysan oo dadka laynaya, gaadiidka weeraraya isla markaana si gaar ah u bartilmaameedsanaya saraakiisha amniga iyo dawladda ee maamulka Abiy Axmed.

Ciidanka federaalka iyo booliska oo Arbacadii lasoo dhaafay lagu daad-gureeyey gobolkaasi ayaa ku guul-daraystay xakamaynta xiisadda ka aloosan deggaankaasi. Iyadoo dowladdu ay qirtay in degmooyinka qaarkood ay sidoo kale la kulmayaan dhibaatooyin amni iyo dilal hor leh.

Ismaamulka Gambella ayaa sheegay in xaaladdu ay faraha ka baxday isla markaana amni-darrada ka aloosan gobolku ay gaartay heer aan la xakameyn karin, colaaduhuna ay kusii fidayaan deggaanno hor leh.

Madaxa Ismaamulkan ugu magacaaban DF Itoobiya, haweenayda loogu yeero Alemitu Umod (Alimiitu Omood) oo iyaduna ka hadashay rabshadahan ayaa sheegtay in xiisaddu ay kasii dartay iyadoo ciidamo kala duwan lagu daabulay deggaannadaasi.

Colaaddan loo maaro la’yahay oo sidoo kalena dad badani ay ku dhaawacmeen ayaa kusoo aadaysa xilli guud ahaan amniga Itoobiya uu faraha kasii baxayo, isla markaana maamulka Abiy Axmed aanu xakameyn wax-ku-ool ah ku lahayn gobollo ay ka mid yihiin Amxaara, Oromiya iyo Tigray.